June 21, 2022

Beeralayda xoolaha iyo kuwa wax soo saarka dalaga gaarka ah ee Minnesota ayaa hadda codsan kara ilaa $7,500 beertiiba si ay loogu soo celiyo kharashaadka kaga baxay abaartii sannadkii hore, iyada oo loo sii marayo Barnaamijka Gurmadka Abaaraha Beeraha (ADRoP) 2021 ee Waaxda Beeraha ee Minnesota (MDA).

"Abaartii sanadkii hore ayaa waxay dhibaato u sababtay beeralay badan, waxaana rabnaa inaan caawino iyaga si ay isaga bixiyaan xoogaa biilasha ah," ayuu yiri gudoomiyaha MDA Thom Petersen. "Haddii ay ahayd soo iibsashada calafka xoolaha, rakibidda waraabka, ama wax kaleba, waxaanu ognahay inay jireen kharashyo badan oo dheeraad ah sannadkii hore oo aan rajeyneyno inaan wax kaga qabano fursadan."

Sharci dejinta Minnesota ayaa $8.1 milyan u qoondeeyay ADRoP, taas oo dib ugu celin doonta hawl-wadeennada beeraha kharashaadka la xiriira abaarta ee ay galeen wixii ka dambeeyey Juun 1, 2021, iyo kahoreeyey Maajo 23, 2022.

Beeruhu waa inay ku yaaleen degmo ay Waaxda Beeraha ee Maraykanku u iclaamisay aagga musiibada dabiiciga ah kadib Luulyo 19, 2021 iyo kahor Janaayo 1, 2022, ama degmo dhul ahaan ugu dhegan degmo loo iclaamiyey. Dhammaan degmooyinka Minnesota marka laga reebo Goodhue, Rice, Wabasha, iyo Winona way u qalmaan.

Kharashyada u qalma ee dadka dalaga gaarka ah beerta waxaa ka mid ah qalabka maaraynta biyaha; biyo dhaaminta; ceelasha; qalabka waraabka; beddelaada dhirta, abuurka, ama geedaha dhallaanka ah; kiraysiga shaqaale dheeraad ah; khidmadaha dheeraadka ah ee suuqa beeralayda ee ka yimid suuqyada labaajiyay; iyo waxyaabo kale oo badan.

Kharashyada u qalma ee beeralayda xoolaha waxa ka mid ah kharashyada la xiriira biyaha; kharashyada quudinta la xiriira; custom bailing; kirada qalabka; gaadiidka xoolaha; qodista balliga xoolaha; dalagyada daboolida dhulka, daaqa, ama dib u beerista daaqa; dayrka; xuquuqda daaqa; kiraysiga shaqaale dheeraad ah; iyo waxyaabo kale oo badan.

Arjiga la buuxiyay ka sokow, waa inaad soo dirto foomka IRS W-9 iyo liiska dhammaan kharashyada la xiriira abaarta. Dukumentiga/caddaymaha kharashyadan looma baahna in lagu soo daro arjiga, laakiin waa inaad awoodid in aad diyaar u tahay  baaritaan haddii la codsado.

Haddii wadarta cadadka ay codsadeen dhammaan codsadayaasha xaqa u leh muddada codsiga ee hore ay ka badantahay wadarta lacagta la hayo, dhammaan codsiyada si isleeg ayaa loogu qaybin doonaa.

Codsadayaasha waxaa aad loogu dhiirigelinayaa inay arjigooda ku soo gudbiyaan nidaamka maaraynta deeqaha ee khadka internetka ah si loo hubiyo in la helay si wakhtiga ku habboon. Arjiyada lagu soo buuxiyo khadka internetka ama email lagu soo diray waa in la helo ugu dambayn 5 p.m. Luulyo 6, 2022. Arjiyada boostada lagu soo diro waa in boostadu qaabishay Luulyo 6 oo la helo ugu dambayn Luulyo 12, 2022 si loo tixgeliyo.

Macluumaad dheeraad ah, oo uu ku jiro arjigu, ayaa laga heli karaa bogga gurmadka abaaraha MDA. Hawl wadeennada beeruhu waxay email u soo diri karaan drought@state.mn.us ama waxay ka soo wici karaan khadka Deeqaha 651-201-6500 wixii su'aalo ah.

###

Xiriirka Warbaahinta
Allen Sommerfeld, MDA Communications
651-201-6185
Allen.Sommerfeld@state.mn.us