Miyaad beertaa miro, khudaar iyo geedo-daweed oo aad u iib geysaa suuqyada beeralayda?

Ma raadineysaa hab aad kor ugu qaaddo iibka oo aad ku gaarto macaamiil cusub?

Beeralaydu waxay bixiyaan khudaar, miro iyo dhir-dawaad aan la warshadayn, deegaanka laga beeray oo fireesh ah kuwaas oo bud dhig u ah Barnaamijyada Suuqyada Nafaqada Beeralayda Waaweyn (SFMNP) iyo Barnaamijka Nafaqada Dumarka, Dhallaanka, iyo Caruurta (WIC), Barnaamijka Suuqyada Nafaqada Beeralayda (FMNP) (loo wada yaqaan S/FMNP). Isla waqtigaas, ka qayb-qaatayaasha S/FMNP waxay wax ka bartaan suuqyada beeraleyda iyo sida badeeco cusub looga soo gato beeralayda deegaanka.

Haddii aad beerto khudrad iyo miro, kuna gaddo suuqyada beeralayda, oo aad rabto inaad iibkaaga kor u qaado kuna xirato macaamiil cusub, macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan sidaad ku noqon lahayd Iibiyaha La Ansixiyay ee S/FMNP ka akhri hoos. Maadaama maalgelintu xaddidan tahay, waxaanu barnaamijyadaas ka qabanaa aagag tiradoodu kooban tahay – maamulaha suuqaaga weydii in suuqiinu ka qaybqaato barnaamijyadaas.

Shuruudaha Beeralayda

Si aad ugu qalanton inaad noqoto Iibiye la Ansixiyay, waa inaad:

  • Aad adigu beerto waxyaabaha aad iibeynayso
  • Iibiso khudaar, miro iyo geedo-dawaad cusub oo aan la warshadayn
  • Ku iibiso alaabadaada Suuq Beeralayda La Ansixiyay
  • Aad tahay qof deggan Minnesota ama gobol la jaar ah

Shuruudaha Iibiyayaasha La Ansixiyay

Si aad ugu qalanto inaad wax soo saar ka gaddo ka qaybqaatayaasha S/FMNP, waa inaad:

  • Go'aanataa inaad khudaar, miro iyo geedo-dawad cusub oo aan la warshaday ku gaddo Suuqa Beeralayda La Ansixiyay
  • Ka Qaybqaadato mid ka mida ah Kulanada Tababarka Iibiyayaasha ee ay qabato Waaxda Beeraha ee Minnesota (MDA)
    • Fiiro Gaar ah: Haddii aad ahayd iibiye la ansixiyay xilligii hore, uma baahan doontid inaad dib u qaadato tababarka iibiyayaasha.
  • Dhameystir Heshiiska Ansixinta Iibiyaha (keliya la heli karo marka laga qaybgalo Kulanka Tababarka Iibiyayaasha)
    • Iibiyayaasha cusubi waxay heli doonaan linki geynaya Heshiiska Ansixinta Iibiyaha ka dib markay dhameystaan Kulanka Tababarka Iibiyaha.
    • Iibiyayaasha soo noqonqoda waxay sannadle u heli doonaan iimayl martiqaad ah oo uu la socdo linki geynaya foomka Ansixinta Iibiyaha ee dhanka onlaynka.
  • Inaad hesho warqad Ansixineed oo ka socota MDA

FIIRO GAAR AH: MA tihid Iibiye La Ansixiyay illaa aad Warqad Ansixineed ka hehso MDA. Agabka ansixinta waxa la soo diri doonaa inta u dhexaysa Maajo 1 iyo Juun 15. Haddii aadan helin warqaddaada ansixinta 15-ka Juun, la xiriir MDA.

Iibiyayaasha Soo Laabanaya

Dhammaadka Febraayo, martiqaad ayaanu iimayl idiinku soo direynaa si aad ansixintiina dhanka khadka uga cusbooneysiisataan. Haddii aad sannadkii hore ahayd Iibiye La Ansixiyay oo aadan helin martiqaadka dib u cusbooneysiinta Maarso dhexdeeda, fadlan ila soo xiriir.

XASUUSNOOW: Waa inaad dib isu soo ansixisaa sannad kasta si aad u sii wadato aqbalida jeegaga S/FMNP.