Ujeedada foomkani waa inuu kaa caawiyo xaraynta cabashada takoorka barnaamijka MDA. Si aad u hesho caawinta buuxinta foomka, waxaad soo wici kartaa 651-201-6657 ama 800-967-2474 ama 711 TTY. Lagaagama baahna inaad isticmaasho foomka cabashada. Waxaad bedelkeeda soo qori kartaa warqad. Haddii aad warqad soo qorto, waa in ay ka kooban tahay dhammaan macluumaadka lagu codsaday foomkan oo aad soo saxeexdaan adiga ama wakiilkaaga u idman. Macluumaadka aan dhamaystirnayn ayaa dib u dhigi doona howlgelinta cabashadaada.

Waxaad sidoo kale ugu soo diri kartaa cabashada FAKIS ahaan 651-201-6118 ama email Sabrenia.Young@state.mn.us. Waa in aanu haysanaa nuqul saxeexan oo cabashadaada ah, markaa haddii aad cabashadaada ku soo dirto email, hubi inaad ku soo lifaaqdo nuqulka saxeexan emailkaaga. Macluumaadka aan dhamaystirnayn ama foomka aan la saxeexin ayaa dib u dhigi doona howlgelinta cabashadaada.

Usoo dir foomka oo dhammaystiran:

Waaxda Beeraha Minnesota
Sabrenia Young
625 Robert Street North
Saint Paul, MN 55155

Filing Deadline

Cabashada takoorka uu barnaamij sameeyey waa in la xereeyo ugu dambayn 180 maalmood laga bilaabo taariikhda aad ogaatay ama ay ahayd inaad ogaatay eedaynta takoorka, aan ka ahayn haddii wakhtiga xaraynta aysan kordhinin MDA. Cabashooyinka lagu soo diro boostada waxaa loo tixgalinayaa in la xareeyay taariikhda cabashada la saxiixay, aan ka ahayn haddii taariikhda warqada cabashadu ay ka duwantahay toddoba maalmood ama wax ka badan taariikhda boostadu qaabishay, markaas oo taariikhda boostadu qaabishay loo isticmaali doono in ay tahay taariikhda xaraynta. Dacwooyinka lagu soo diro fakis ama email waxaa la tixgalin doonaa in la xareeyey maalinta cabashada fakiska ama email-ka la soo diray. Dacwooyinka la xareeyay wax ka dambeeya 180-ka maalmood ee kama dambaysta ah waa inay la socoto "sabab macquul ah" oo sharraxaya la daahitaanka. Tusaale ahaan, waxaa laga yaabaa inaad haysato "sabab macquul ah" haddii:

  1. Si macquul ah lagaagama filaynin inaad ogaato falka takoorka ah muddada 180-ka maalmood gudohood ah.
  2. Si aad ah ayaad u bukootay ama aad u itaal daraysay.
  3. Isla cabashadaas ayaa waxaa laga xareeyey hay'd kale oo federaal, gobol, ama wakaalad maxalli ah oo wakaaladaas ayaa waxay ku guuldareysatay inay wax ka qabato cabashadaada.

Xeerka MDA

Sharciga iyo xeerka federaalka ayaa mamnuucaya in lagugu sameeyo takoor ku salaysan isirka, midabka, asalka qaranka, diinta jinsiga, naafanimada, da'da, xaaladda guurka, jinsi doorashada, xaalada qoyska /waalidnimada barnaamijka gargaarka dadweynaha, iyo siyaasada aad aaminsantahay. (Dhammaan xaaladahani ma wad khuseeyaan dhammaan barnaamijyada). MDA ayaa go'aamin doonta haddii ay awood u leedahay xukminta si ay u howlgeliso cabashada. Aargudashada ku salaysan hawlo hore ee xuquuqda madaniga ah waa mamnuuc.

Cinwaanka Hantida/Dhismaha

Haddii cabashadani ay ku lug leedahay beer ama hanti/guri kale oo ma guurto ah oo aan ahayn cinwaankaaga hadda, ku soo qor ciwaanka beertaas ama hantida ma guurtada ah. Haddii kale, qaybtan foomka waxa lagaga tagi karaa iyada oo banaan.

Ogolaanshaha

Foomka Cabashada Takoorka ee Barnaamijka MDA waxa lagu bixiyay si waafaqsan Xeerka Qarsoonanta ee 1974, 5 USC §552a, waxayna khusaysaa macluumaadka lagu codsaday foomkan kaas ee uu Ogeysiiskani ku lifaaqanyahay. MDA waxay codsanaysaa macluumaadkan iyada oo la raacayo 7 CFR Qaybta 15. Haddii foomka la buuxiyey loo aqbalo in uu yahay kiis cabasho ah, macluumaadka la ururiyey inta lagu jiro baaritaanka waxaa loo isticmaali doonaa in lagu howlgeliyo cabashadaada barnaamijka takoorka. Siidaynta/Sheegitaanku waa ikhtiyaari. Si kastaba ha ahaatee, haddii aad ku guuldareysato inaad keento macluumaadka la codsaday ama inaad saxiixdo foomka ayaa waxay keeni kartaa tuurista cabashadaada. Haddii cabashadaada la tuuro, waa lagu soo ogeysiin doonaa. Macluumaadka aad ku bixisay cabashadan waxa laga yaabaa in loo bandhigo dhinacyo ka baxsan MDA marka ay go'aamiso in siidayntaasi tahay: 1) Mid ku habboon oo lagama maarmaan u ah Waaxda Caddaalada, maxkamada ama xukun sameeye kale, ama dhinaca kale xukun sameeyahaas hortiisa ah ujeeddooyin dacwad qaadis darteed; 2) Lama huraan in ay ay tahay dacwooyinka fulinta ee ka dhanka ah barnaamijka ay MDA u aragto inay ku xadgudubtay sharciyada ama xeerarka; 3) Iyadoo laga jawaabayo xafiiska kongareeska haddii aad codsatay in xafiiska kongareesku uu wax ka weydiiyo cabashadaada ama; 4) Guddiga Xuquuqda Madaniga ah ee Maraykanka iyadoo laga jawaabayo codsi ay ku dalbanayaan macluumaad.

Aargoosiga (aarsi) waa mamnuuc

Ma jirto wakaalad, sarkaal, shaqaale, ama wakiilka MDA, oo ay ku jiraan dadka mataleya MDA iyo barnaamijyadeeda, oo cabsin gelin kara, handadi kara, dhibaatayn kara, ku qasbi kara, takoori kari, ama si kale uga aargoosan kara qof kasta oo soo gudbiyay eedayn cabasho ku saabsan takoorid ama ka qaybqaata
si uun baaritaan ama dacwad kale oo lagu qaadayo sheegashooyinka takoorid.

Ogeysiiska Asturnaanta/ Digniinta Tennessen

MDA waxay kaa codsanaysaa inaad buuxiso foomkan si shaqaalaha MDA ay u qiimeeyaan sheegashadaada takoorka. Marka foomka la soo gudbiyo, shaqaalaha MDA waxay u isticmaali doonaan macluumaadka aad bixiso in ay saldhig u noqdaan baaritaanka. Sharci ahaan lagaama baahna inaad siiso MDA xogta lagaaga codsaday foomkan; waad diidi inaad kartaa inaad xogta siiso. Si kastaba ha noqotee, ku guuldaraysiga buuxinta foomkan gabi ahaanba ayaa waxa laga yaabaa inay ku sii adkayso MDA inay si sax ah u qiimeeyaan duruufaha keenay cabashadaada waxana laga yaabaa inay saamayn ku yeelato gunaanadka baadhista. Qaar ka mid ah xogta lagu codsanayo foomkan waxaa loo qoondayn doonaa in ay tahay xog qarsoodi ah marka loo eego sharciga Minnesota. Dhinacyada laga yaabo inay helaan xogta gaarka ah waxaa ka mid ah shaqaalaha MDA iyo qandaraaslayaasha leh hawl shaqo oo sax ah si ay u helaan xogta, cidda aad u ogolaatay ama amar maxkamadeed oo ansax ah, Maamulka iyo Miisaaniyada Minnesota, Waaxda Maamulka ee Minnesota, Hantidhawrka Gobolka, hanti-dhawraha sharci-dejinta, iyo qof kasta ama cid kasta oo kale oo uu ogolaado sharciga gobolka, sharciga federaalka, sharci oofinta federaalka, ama amarka qabashada federaalka si loo helo xogta. Haddii loo baahdo, MDA waxa kale oo laga yaabaa in ay xogta la wadaagto sharci fulinta iyo Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Minnesota.

Name
Address
Habka ugu wanaagsan ee lagugu heli karo
Miyaad u haysaa dacwada cid wakiil kaaga ah ( qareen ama u doode kale)?
Fadlan soo gudbi warbixinta soo socota oo ku saabsan wakiilkaaga:
Cinwaanka wakiilka

Magaca qofka (magacyada) (dadka) ku lugta leh takoorka lagu eedeeyay (haddii la yaqaano)

Waaxda MDA ee fulisa barnaamijka ama bixisa kaalmada maaliyadeed ee federaalka barnaamijka
Upload requirements
Goorma ayuu dhacday takoorku?

Waa xad gudub sharci in lagugu takooro iyadoo lagu salaynayo kuwan soo socda: isir, midabka, caqiidada, asal qaran, diin, jinsiga, naafonimada, da'da, xaalada guurka, xaalad qoyska, jinsi doorashada, xaalada kaalmada dadweynaha, ama shakhsi ahaan leh aqoona Ingiriisi xaddidan (LEP) dhammaan maamulida barnaamijyada ama hawlaha MDA. (Dhammaan xaaladahani ma wad khuseeyaan dhammaan barnaamijyada) Aargudashadu waa mamnuuc iyadoo lagu salaynayo hawlo hore ee xuquuqda madaniga ah.

Miyaad u gudbisay cabasho ku saabsan dhacdadan hay'ad kale oo federaal ah, gobol, ama wakaalad maxalli ah ama maxkamad?